Posts

Ha dhibin dhibbane, haddii aadan u dhimrinayn!.

xaaladda bukaannada dhimirka ee la nool bulshooyinka soomaalida. dhibbanayaasha bulshadeenna ee ka dhaxlay dhibta burburkii dalkeenna waa fara badan yihiin waana kala daran yihiin, waxaa ka mid ah dadka la nool xanuunnada ku dhaca dhimirka (Mental conditions) kuwaas oo dhabti ay yartahay cidda uhadasha, daryeelkoodu yahay dushooda, xaalkooda caafimaadna aan cidi iswaydiin ama xitaa faham iyo garasho aan loo lahayn, intaasi waaba xaquuq ay lahaayeen oo ay waayeene, waxaa usii dheer gardarro iyo dhib marar badan uga timadda bulshada ay la nool yihiin taas oo dadka qaar ula kac ugu gaystaan, hayeeshee marar badan ay sababto garasho la'aanta dadkeenna ka haysata xanuunnada dhimirka iyo bukaankooda sida loola tacaalo!.  Bukaan ayaa asbuucyadaan lagu baahiyay baraha bulshada ee soomaalida sida (facebook) waxa uu ku noolyahay magaalada Garoowe waxaana dhibtaas u gaystay bulshada sida uu sheegayo, waxaan dhagaystay muuqaal uu warsanayo qof aan umuuqan warbaahiye xirfad leh (profission...

dhakhtarku dawo ima siin ee wuu ila taliyay?!

Image
La talinta bukaanka & kaalinta ay kaga jirto dawayntiisa. Sida ku cad cilmiga caafimaadka, dawaynta bukaanka waxay u qaybsantaa labo: 1. Siinta daawooyin. 2. Talo siin. haddaba labadaasi way wada socdaan mar walba, ama latalin kaliya ayaaba bukaanka kufilan, hayeeshee marnaba sax ama wanaag ma noqoto siinta bukaanka daawooyin (kaniin, cirbad iwm) kaliya maadaama la ogyahay anfaca dawada iyo bogsashada inay kor uqaaddo latalinta bukaanka, fahansiinta bukaanka xanuunkiisa iyo waxa dawadaan uga imaan karaba. Waxaad akhriste marar badan ku aragtaa bulshada ayagoo adeegsanaya oraah cinwaaneedka qormadayda taas oo ka tarjumaysa sida bulshadeennu u yaraysato la talinta oo ah qaybta ugu wayn ee daawaynta. Bulsho ku xoonsan qaybta kaniiniyada & Qalliinka, halka aan cidna xaadirin qaybta hab-dhaqan baddalista. Haddaba sida aan qorma hore ku qaadaa dhignay (ka eeg bogga qaybtiisa hore/Homepage) hab-dhaqanka qofka iyo caafimaadkiisu way isa saameeyaan, halka uu ka ogaan ka...

Hab-nololeed caafimaad qaba (healthy life-style).

Hordhac: Qaabka uu qof walba uqaabeeyo hab-nololeedkiisa maalin laha ah sida cuntada uu cunayo, inta iyo goorta uu seexanayo iyo waxa uu qabanayaaba waxay saamayn toos ah oo xoog badan ku leedahay caafimaadkiisa. Waa maxay hab-nololeed caafimaad qaba? Waxaa loola jeedaa qabashada iyo fulinta hab-nololeed u adeegaya caafimaad sarreeya oo fiican kana hor tagaya xanuun iyo unuglaanshihiisa. Habkaani waa qaabka ugu fiican ee xanuun lagu daaweeyo ama looga hortago gaar ahaan xanuunada: 1. habdhiska dhiig-wareegga 2. macaanka/sonkorta. 3. Dhiig karka. 4. Noocyada kansarka. 5. iyo cayilka xad-dhaafka ah Haddaba dib u eeg hab-nololeedkaaga maalin laha ah iyo waxa aad qabato adoo eegaya waxa larabo inuu ka koobnaado hab-nololeedka caafimaadka qaba. Waa muhiim haddii wax ka qaldan yihiin inaad dag-dag usaxdo kahor inta aadan dhaqaale, waqti iyo nafba ku lumin xanuunada ka imaan kara hab-nololeedka aan fayoobayn. Muxuu ka kooban yahay? 1. Jimicsi joogto ah. 2. Qaadashada cunto dhee...

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay, Qaybta 2aad.

Waa maxay uur? Uur-qaadis waa xaalad kamid ah xaaladaha ay marto haweenayda ku jirta muddada ay tarmi karto (reproductive life) taas oo ah in xubneheeda taranka uu ku beermo ilmo/uur-jiif gaar ahaan ilmo galeenka sida ah caafimaad qabka (normal). Uur-qaadistu waxay dhacdaa marka ilmo galeenka uu qabsado uur-jiifku kaas oo ka samaysmay isu tagga ugxanta dhaddig iyo tan lab. Sidee hooyadu ku ogaan kartaa inay uur qaadday? 1. Calaamado. 2. Baaritaan shaybaadh. 3. Scan ama aaladda muujisa uur ku jirta oo lagu arko ilmo-galeenka oo uur-qaaday (Gravid uterus). Calaamadda ugu horraysa uguna badan ee gabadhu ku ogaan karto inay uur qaadday waa inay waydo xilligii ay sugaysay dhiigga dumarka, hayeeshee taasi waa mid danbaynaysa, waxay kale oo hooyadu dareemi kartaa caajis, mataf iyo lalabo/yalaalugo, daal iyo calool xanuun kuwaas oo loo yaqaan calaamadaha hore ee uur qaadista (early pregnancy symptoms). Heerka labaad waa in gabadhu baaritaan samayso kaas oo lagu eegayo dheecaanka HCG ...

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.

Hooyada uurka leh waxa uu jirkeedu wajahayaa xaalad cusub oo leh dhinacyo badan sida dheecaamada jirka, qaabka shaqo ee xubnaha jirka iyo muuqaalka jirkaba. Haddaba hooyo kasta oo uur leh ama uur qaadi rabtaa waxay ubaahantahay inay wax badan ka ogaato waxa ay tahay uur qaadisto iyo marxaladaha ay mari doonto si loo helo hooyo iyo uur jiif caafimaad qaba iyo dhalmo bad-qabta. Waa mid ka mid ah siyaasadda qaran walba in si joogta ah loo gaarsiiyo bulshada wacyi fiican oo ku saabsan xaaladdaan iyo daryeelkeedaba taas oo loo yaqaan 'antenatal care (ANC). Taxanahaan waxaan uga gol leeyahay inuu wax uun ku biiriyo wacyiga hooyada soomaaliyeed ee uur qaadaysa ee haddana aan helayn wasaarad iyo daryeel caafimaad oo marwalba u heellan taas oo aan filayo inay noqon karto inta bulshada wax akhrisa kuna taxan aaladaha casrigaa iyo adeegsigooda. Marka aqoonyahanka cilmiga caafimaadka gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka daryeelkooda ugaarka ah ka hadlayaan xilliga ay dhab ahaan tahay inuu ...