Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay, Qaybta 2aad.

Waa maxay uur?
Uur-qaadis waa xaalad kamid ah xaaladaha ay marto haweenayda ku jirta muddada ay tarmi karto (reproductive life) taas oo ah in xubneheeda taranka uu ku beermo ilmo/uur-jiif gaar ahaan ilmo galeenka sida ah caafimaad qabka (normal).
Uur-qaadistu waxay dhacdaa marka ilmo galeenka uu qabsado uur-jiifku kaas oo ka samaysmay isu tagga ugxanta dhaddig iyo tan lab.

Sidee hooyadu ku ogaan kartaa inay uur qaadday?
1. Calaamado.
2. Baaritaan shaybaadh.
3. Scan ama aaladda muujisa uur ku jirta oo lagu arko ilmo-galeenka oo uur-qaaday (Gravid uterus).
Calaamadda ugu horraysa uguna badan ee gabadhu ku ogaan karto inay uur qaadday waa inay waydo xilligii ay sugaysay dhiigga dumarka, hayeeshee taasi waa mid danbaynaysa, waxay kale oo hooyadu dareemi kartaa caajis, mataf iyo lalabo/yalaalugo, daal iyo calool xanuun kuwaas oo loo yaqaan calaamadaha hore ee uur qaadista (early pregnancy symptoms).
Heerka labaad waa in gabadhu baaritaan samayso kaas oo lagu eegayo dheecaanka HCG oo calaamadiya in uur-jiif ku jiro hooyada jirkeeda kaas oo laga eegi karo dhiigga iyo kaadida labadaba, ayadoo uu leeyahay baaritaan fudud oo hooyadu ku samayn karto guriga ayadoo ka baaraysa kaadida. Heerka saddexaad oo asagu ah ultrasound scan waa xilli danbe marka loo eego labadaas hore waxaana la arkayaa uur jiifka oo ku dhagan ilmo-galeenka.

Yaa ah xisaabiyaha ugu saxan ee sidka uurka?
Waa gabadha oo xasuusata kuna calaamadisa meel xilligii ugu danbeeyay ee ay ka baxdo caado xilligeedii ku timid kaas oo loo yaqaan caafimaad ahaan LNMP (Last normal menstrual period), habkan ayaa looga kalsoonyahay sidka uu sheego scan ku ama kumbiyuutarku maadaama qaladkiisu ka yaryahay waana tan ka dhigaysa muhiim in gabadhu ilaaliso xasuustiisa ayadoo u qabanaysa taariikh dhammaystiran tusaale 18/june/2019.

Mahadsanid akhriste, fadlan wixii aragti iyo sixid ah faallada iigu reeb.

Lasoco qaybta saddexaad oo aan kaga hadli doonno waxa iska baddala shaqada jirka marka hooyadu uur qaaddo.



Comments

Popular posts from this blog

Ha dhibin dhibbane, haddii aadan u dhimrinayn!.

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.