Hormarka naf ahaaneed iyo Qabyaaladda.
Xanuunka qabyaaladda. Waxaa hubaal ah qof walba oo dunidaan ku nool uu ku abtirsanayo Shacab iyo qabiil si loogu garto gaar ahaantiisa qofeed sida uu Allaah ku xusay Qur'aanka, "وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفو" taasi oo aan ahayn danbi ama qalad in la iskugu magac yeero, la isku garto ama lagu xariiriyo qaraabada iyo xigtada, hayeeshee waxaa shay walba leeyahay qaab adeegsi xun oo noqon kara danbi wayn iyo masiibo sida marka qabiilka loo adeegsado wax yeellaynta ama yaraynta sharafka qofeed ee Allah uu ina nabi aadam walba siiyay ayadoo lagu yaraysanayo nasabkiisa, ama in lagu dulmiyo oo xuquuq lagu dhaafiyo inuu abtirsigiisu caynkaas yahay darteed ama xataa la isugu faano. haddaba qormadaan gaarka ah waxaad aqristoow ila eegtaa sida xanuunka qabyaaladdu marka uu qof ku dhaco uu usaameeyo hormarkiisa qof ahaaneed iyo sharafkiisa!. 1. Xorriyad la'aan xaga fikirka ah: Noloshaan bulsheed ee aan qofna kali ahaantiis noolaan karin waxaa qasab ah inaad wajahdo aragti...