Ha dhibin dhibbane, haddii aadan u dhimrinayn!.

xaaladda bukaannada dhimirka ee la nool bulshooyinka soomaalida.
dhibbanayaasha bulshadeenna ee ka dhaxlay dhibta burburkii dalkeenna waa fara badan yihiin waana kala daran yihiin, waxaa ka mid ah dadka la nool xanuunnada ku dhaca dhimirka (Mental conditions) kuwaas oo dhabti ay yartahay cidda uhadasha, daryeelkoodu yahay dushooda, xaalkooda caafimaadna aan cidi iswaydiin ama xitaa faham iyo garasho aan loo lahayn, intaasi waaba xaquuq ay lahaayeen oo ay waayeene, waxaa usii dheer gardarro iyo dhib marar badan uga timadda bulshada ay la nool yihiin taas oo dadka qaar ula kac ugu gaystaan, hayeeshee marar badan ay sababto garasho la'aanta dadkeenna ka haysata xanuunnada dhimirka iyo bukaankooda sida loola tacaalo!.

 Bukaan ayaa asbuucyadaan lagu baahiyay baraha bulshada ee soomaalida sida (facebook) waxa uu ku noolyahay magaalada Garoowe waxaana dhibtaas u gaystay bulshada sida uu sheegayo, waxaan dhagaystay muuqaal uu warsanayo qof aan umuuqan warbaahiye xirfad leh (profissional journalist) uuna waydiinayo su'aalo aad u arxan daran halka bukaankaan sida ka muuqata muuqaalkaas ay ku adkayd xataa inuu hadalka soo celiyo uuna umuuqday mid baahi aad udaran hayso, dhib badan tirsanaya uuna ka naxayo qofka caqliga usaaxiibka ah ee arka, say ahaydba ninkaas waraysanayay ayaa hiil u ahaa oo u sheegay inuu asaga unaxayo saasna uu uduubayo wuxuuna ka dalbaday inuu caddeeyo si aan qarin lahayn sababta uu dadka uqaniino (taas oo ah sheekada bulshada dhexdeeda utaal oo lagu eedeeyay inuu qabo xanuun layiraahdo juudaan oo qofka qabaa uu dadka cuno!!) wuxuu ku afceliyay dhibbanahaas masiibadu asiibtay inuu is difaacayay waxa saas udhaawacayna ay yihiin caruur iyo bulshada asna uu isku difaaco qaniinyo!!.
Taasi waa tusaale uun, waad dareemi kartaa haddaad udhugyeelato xaalka dadkaan ee ku dhex nool bulshadaada!
Qormadaan waa qaylo dhaan ku socota cid walba oo damiir leh, qof walba oo muwaadin soomaaliyeed ah, qof walba oo xirfadle caafimaad ah oo dhabtii midda igu xanbaartay qormada ah maadaama aan qaadnay masuuliyad culus, walaalayaal maanta dadkaan dhimirka la' waxay rabaan hiil, wwxay rabaan faham iyo xaalkooda in la garawsado, waxay rabaan in ayaga iyo bulshaday la nool yihiin loo gar-qaado, waxay rabaan in loo hadlo oo garab loo noqdo, haddii ALLAAH maankaaga taam ka dhigay kaama uu jecla kumanaankaas ee aan allaah hortiis ugu hiilinno😥😥🙄.

Ka bilaw naftaada, raadi xaalka nololeed ee bulshada lanool xanuunnadaan ee ku nool deegaankaaga, gaarsii farriintaan iyo kuwa lamid ka ah bulshada, xog iyo ogaal kasoo gudbi caado dhaqameedka ka jira deegaankaaga ee lidka ku ah daryeelka bukaannada dhimirka, intaas iyo ka badan ood awoodi kartaba ku taageer dhibbanayaashaan walaal.

Ugu yaraan haddii aadan wax tarayn dhib adiga kaa timid ka ilaali dhibbanayaashaan oo ay ugu yaraan karto inaad si qaldan xog looga soo gudbiyay ku faafiso bulshada sida bukaanka aan kasoo sheekeeyay oo kale!
Waad ku mahadsantahay akhrintaada, fadlan gudbi (share) fariintaan, inoogu reeb wixii faallo iyo talo ah qaybta hoose ee qormada (comments).




Comments

Popular posts from this blog

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay, Qaybta 2aad.

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.