dhakhtarku dawo ima siin ee wuu ila taliyay?!
La talinta bukaanka & kaalinta ay kaga jirto dawayntiisa.
Sida ku cad cilmiga caafimaadka, dawaynta bukaanka waxay u qaybsantaa labo:
1. Siinta daawooyin.
2. Talo siin.
haddaba labadaasi way wada socdaan mar walba, ama latalin kaliya ayaaba bukaanka kufilan, hayeeshee marnaba sax ama wanaag ma noqoto siinta bukaanka daawooyin (kaniin, cirbad iwm) kaliya maadaama la ogyahay anfaca dawada iyo bogsashada inay kor uqaaddo latalinta bukaanka, fahansiinta bukaanka xanuunkiisa iyo waxa dawadaan uga imaan karaba.
Waxaad akhriste marar badan ku aragtaa bulshada ayagoo adeegsanaya oraah cinwaaneedka qormadayda taas oo ka tarjumaysa sida bulshadeennu u yaraysato la talinta oo ah qaybta ugu wayn ee daawaynta.

Bulsho ku xoonsan qaybta kaniiniyada & Qalliinka, halka aan cidna xaadirin qaybta hab-dhaqan baddalista.
Haddaba sida aan qorma hore ku qaadaa dhignay (ka eeg bogga qaybtiisa hore/Homepage) hab-dhaqanka qofka iyo caafimaadkiisu way isa saameeyaan, halka uu ka ogaan karo mar walbana waa dhakhtarkiisa oo talo iyo tusaalayn siiya ee aan kaniin ama irbad kaliya warqad ugu xarriiqin.!
ugu danbayn akhriste ama bukaan ayaad mar noqotay ama noqon doontaa ama dhakhtar ayaad tahay amaba xirfadle kale oo caafimaad ayaad tahay, labadaas kaad tahayba waxaa loo baahanyahay inaad ka qayb qaadato gaarsiinta wacyigaan bulshada.
maaha in bukaanku eedeeyo dhakhtarka dawo ima siin ee hadal ayuu isiiyay, taas baddalkeedna waa inaan aad ugu fiirsanno talooyinka fayoow ee dhakhtarka saxda ah, aanu raacno, wixii aan fahmi waynana dib uwaydiinno dhakhtarka, marka taas la helana waxaa isbaddal ka arki karnaa wareerka baahsan ee ka jira bukaanka iyo dhakhaatiirta dhexdooda (Patient-physician conflicts) oo in badan sababta bukaanka oo markii horaba ahaa dhibbane inuu dhibbane labaad unoqdo daawo ama agab kale oo caafimaad taas oo salka ku haysa xog la'aan ama xog si qaldan bukaanka ugaartay.
Gunaanadka qormada waxaa muhiim ah inaan marnaba la illaawin xusidda in dhakhaatiir badan arrinkaan la talinta bukaanka uga tagaan sababo dhaqaale taas oo ah dhaqan aad uga fog sharciga caafimaadka iyo dhaqanka suubban ee diinteenna islaamkaba,
si aad u aragto tiro badan oo bukaan ah haddii aad u boobsiiso waqtiga bukaanku kula joogayo ma iswaydiisay lacagta aad ka qaadanayso xalaalnimadeeda!.
Ugu danbayn bulshadu ha aaminto dhakhaatiirtooda aqoonta saxan leh ee ku hadlaya afkooda si ay u helaan talo saxan oo ay fahmaan, aana ka dayno eedaynta marka talo kaliya lagu siiyo ee ogoow waxaad haysaa qayb dhan oo daawaynta ka mid ah.
waad ku mahadsantahay akhrinta qormadaan, fadlan wixii aragti, toosin ama soo jeedin ah si hufan igula wadaag qaybta falcelinta (Comments) ee ka danbaysa qormada.
W/q: Dr. Cabdulqaadir Ibrahim, MBBS.

Comments
Post a Comment