Hormarka naf ahaaneed iyo Qabyaaladda.

Xanuunka qabyaaladda.
Waxaa hubaal ah qof walba oo dunidaan ku nool uu ku abtirsanayo Shacab iyo qabiil si loogu garto gaar ahaantiisa qofeed sida uu Allaah ku xusay Qur'aanka, "وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفو" taasi oo aan ahayn danbi ama qalad in la iskugu magac yeero, la isku garto ama lagu xariiriyo qaraabada iyo xigtada, hayeeshee waxaa shay walba leeyahay qaab adeegsi xun oo noqon kara danbi wayn iyo masiibo sida marka qabiilka loo adeegsado wax yeellaynta ama yaraynta sharafka qofeed ee Allah uu ina nabi aadam walba siiyay ayadoo lagu yaraysanayo nasabkiisa, ama in lagu dulmiyo oo xuquuq lagu dhaafiyo inuu abtirsigiisu caynkaas yahay darteed ama xataa la isugu faano.

haddaba qormadaan gaarka ah waxaad aqristoow ila eegtaa sida xanuunka qabyaaladdu marka uu qof ku dhaco uu usaameeyo hormarkiisa qof ahaaneed iyo sharafkiisa!.

1. Xorriyad la'aan xaga fikirka ah:
Noloshaan bulsheed ee aan qofna kali ahaantiis noolaan karin waxaa qasab ah inaad wajahdo aragtiyo nololeed, dhaqan, dhaqaale, diineed, siyaasadeed iwm, haddaba marka aad qabyaaladda utahay dhibbane uma noqon doontid xor waxaas oo aragtiyo ah waxaanad noqon doontaa qof dhanka uu u fikiriyo aan ku salayn aqoon iyo waayo aragnimo ee kasoo guuriya aragtidiisa cidda uu u arko inay hayso majaraha nololeed ee reerka.
2. dhibaato caafimaad oo nafsiyadeed:
sida aan soo xusayba bilshada aad lanooshahay midkastaa waa reer si loogu garto sida gaadiidkuba uleeyahay taariko lambar lagu garto, haddaba marka xanuunka qabyaaladdu ka haleelo waxaad u arki doontaa cid walba oo reerkiinna ay cadaawad reereed ka dhaxayso cadaw, kaddibna uu qalbigaagu cidhiidhi dareemo marka aad aragto muuqooda, aragtidooda iyo wajigoodaba sidaasna waxaad ku tahay dhibbane marka la eego cilmi nafsiga.
3. Dhibta la wadaag, dheeftase MAYA:
Sida dhaqan soomaaliga caanka ku ah qof shakhsi ah wuxuu dilo ama dhaco waxaa gaystay reer hebel, laakiin qof hebel aqoonta, hantida, magaca suubban iyo wanaagguu yeesho asaga unbaa loo tiiriyaa, taas oo ah layaabka xanuunkaan iyo sifaha bukaankiisu leeyahayba.
4. Hoos udhaca sharafkaaga maqaam kasta oo aad leedahay:
sida aanu ognahay insaanku waa jecelyahay magaca iyo sharafka, diinteena islaamkana waxayba kamid tahay shanta la ilaaliyay, haddaba dhibbane walba oo xanuunkaan qabyaaladdu saameeyo, Aqoonyahan, shiikh, dhakhtar, macallin, abwaan iyo maqaam walba oo uu nolosha ka gaaraba magiciisa iyo sharafkiisu wuxuu noqdaa mid aan sii jirin, bulshada lagasoo dhex dhawayn, haddiiba aan la dhibsan muuqiisa maadaama qofka ay ka lumayso xorriyaddiisa aragti ahaaneed uuna noqonayo qof inyar oo reer hebel loogu yeero meel ugu xiran!.
5. Qabyaaladdu waa qaybsanaan aan xadkeedu meel ku ekayn!
maadaama heerka qabiilku si la isugu garto uu yahay silsilad ilaa ay adiga kugusoo dhammaanayso, marka aad reernimada qabyaaladayso ma heli doonto bar dhammaad waxaanad noqon doontaa qof kolba soo rogaya lakabyada basasha ilaa aad gunta udanbaysa gaarto, haddaba waa yaabka xanuunkaane maxaad ugu dhibtoonaysaa wax aan bar dhammaad lahayn, ayna sahlantahay reerka guud ee aad difaacdo kol inaad u aragto cadaw marka lakabka basashu isbaddalo hoosna loo sii galo reerka!

Haddaba, akhriste xanuunkaan oo bulshadeenna wada taabtay qofba in iyo heer ha ujoogee ma isu aragtaa inaad dhibbane utahay?
Ma umalaynaysaa inay gaartay xilligii aad xorriyaddaada qofeed ee xaga fikirka iyo nolosha dib usoo ceshan lahayd? ilaa goorma ayaad ku noolaanaysaa taagerada hebel iyo heblo sax iyo qaladba maadaama aad isku hayb tihiin! Haddii aad rajo ka qabto hormar nafeed iyo baraaro nololeed waad ku qasbantahay marka caadifadda xanuunkaan la kiciyo aad iskaga harto.

Fadlan wixii kale ee dhibaatada xanuunkaan ah ama xal uhelistiisa ah ee aad hayso kula wadaag akhristayaasha qaybta falcelinta (comments) ee ka danbaysa qormada.

                -MAHADSANID-

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay, Qaybta 2aad.

Ha dhibin dhibbane, haddii aadan u dhimrinayn!.

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.