Hab-nololeed caafimaad qaba (healthy life-style).
Hordhac:
Qaabka uu qof walba uqaabeeyo hab-nololeedkiisa maalin laha ah sida cuntada uu cunayo, inta iyo goorta uu seexanayo iyo waxa uu qabanayaaba waxay saamayn toos ah oo xoog badan ku leedahay caafimaadkiisa.
Waa maxay hab-nololeed caafimaad qaba?
Waxaa loola jeedaa qabashada iyo fulinta hab-nololeed u adeegaya caafimaad sarreeya oo fiican kana hor tagaya xanuun iyo unuglaanshihiisa.
Habkaani waa qaabka ugu fiican ee xanuun lagu daaweeyo ama looga hortago gaar ahaan xanuunada:
1. habdhiska dhiig-wareegga
2. macaanka/sonkorta.
3. Dhiig karka.
4. Noocyada kansarka.
5. iyo cayilka xad-dhaafka ah
Haddaba dib u eeg hab-nololeedkaaga maalin laha ah iyo waxa aad qabato adoo eegaya waxa larabo inuu ka koobnaado hab-nololeedka caafimaadka qaba. Waa muhiim haddii wax ka qaldan yihiin inaad dag-dag usaxdo kahor inta aadan dhaqaale, waqti iyo nafba ku lumin xanuunada ka imaan kara hab-nololeedka aan fayoobayn.
Muxuu ka kooban yahay?
1. Jimicsi joogto ah.
2. Qaadashada cunto dheelli-tiran
3. Joojinta sigaarka.
4. Joojinta khamriga/Alcohol.
5. Qaadashada hurdo kugu filan.
6. Cabista biyo dhan 3 L maalin walba.
7. Iyo ku xirnaanshaha dhakhtar si joogto ah.
Arrimahaan ayaa ujeedkeedu yahay ka ilaalinta jirka waxyaalaha wax yeellaynaya sida dufanka-dhibka leh badashadiisa (dyslipidemia), joogtaynta hab-dhis dhiig-wareeg oo fayow kaas oo ka imaanaya jimicsi joogto ah, ka fogaanshaha walxaha keenaya sunta u ah hordhacca kansarrada ee loo yaqaan (carcinogens) kuwaas oo ka imaan kara cunto aan fayoobayn iyo deegaan wasakhaysan labadaba, iyo ugu danbayn ku dadaalidda waxayaalaha u adeegaya caafimaad sarreeya sida biyo ku filan jirkaaga oo aad cabto iyo hurdo ku filan oo aad seexato taas oo lagu sheego inay tahay 8 saac/24 saacba.
Dhammaan arrimahaan waxaa ubaahan qof walba waxayse muhiimad gaar ah oo daawayn iyo ka hortagba ah uleeyihiin dadka hoos ku xusan:
1. Waayeelka
2. Dadka qaba sonkorta, dhiig-karka iyo cayilka-xanuunkaa (morbid obesity).
3. Dadka qaba xanuunada wadnaha.
4. Dadka leh dufanka saa'idka ah.
5. Dadka leh xanuunada kala goysyada qaarkood.
Gunaanad:
"Heerka caafimaadkaagu wuxuu ku xiran yahay inta aad ka joogtayso arrimahaan".
Fadlan la wadaag asxaabtaada, wixii talo iyo sixid ah faallo ku reeb.
M A H A D S A N I D.

Mahadsanid Dr 1= maxakena wadna xanuunka 2= maxakena inuu madaxa warer kaga sodago adoon wax cudura qabin dhigaguna hay yahay
ReplyDeleteAdaa mudan walal wan kaa raali galinayaa jawaabta aan kaala soo daahay.
Delete1. wadna xanuun marka layiraahdo waxaa soo galaya xanuuno badan oo wadnaha ku dhaca oo macnuha guud waa wadnaha oo xanuunsaday, hayeeshee kan ugu caansan ee magacan marka la adeegsanayo loola jeedo waa wadna xanuunka ka yimaada xirmashada qaar kamid ah xididdada wadnaha laftiisa dhiigga siiya taas oo ay keento subaga saa'idka ah ee nabar xinjireed ku sameeya xididdada dhumocdoda kaas oo ah wax ka yimaada meelo badan sida da'da qofka oo wayn (kabdan 50-60), sigaarka, subagga saaidka ah ee dhibta leh, qaraabada koowaad ee qofka oo xanuunnadan qaba sonkorta (macaanka) iyo dhiig karka.
2. si lamid ah suaasha koowad, waydiintada labadna waa mid guud oo madax xanuunka waa noocyo badanyahay kaliya kma yimaado dhiig yarida, hayeeshee madax xanuunka soo booda ee qof cafimad qabay ku yimaada aadna saaidka u ah wuxuu ubaahanyahay in si dagdag ah dhakhtar aad ugu tagto si loo qiimeeyo loona baaro maadaaama marark a qaar uu ka imaan karo xanuuno halis ah.
mahadsanid
Mahadsanid Dr 1=maxakena wadna xanuunka 2= maxakena inuu warer kaga sodago madaxa adoon waxa cudura qabin bloodkagana
ReplyDeletehigh yaha