Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.

Hooyada uurka leh waxa uu jirkeedu wajahayaa xaalad cusub oo leh dhinacyo badan sida dheecaamada jirka, qaabka shaqo ee xubnaha jirka iyo muuqaalka jirkaba.
Haddaba hooyo kasta oo uur leh ama uur qaadi rabtaa waxay ubaahantahay inay wax badan ka ogaato waxa ay tahay uur qaadisto iyo marxaladaha ay mari doonto si loo helo hooyo iyo uur jiif caafimaad qaba iyo dhalmo bad-qabta. Waa mid ka mid ah siyaasadda qaran walba in si joogta ah loo gaarsiiyo bulshada wacyi fiican oo ku saabsan xaaladdaan iyo daryeelkeedaba taas oo loo yaqaan 'antenatal care (ANC).
Taxanahaan waxaan uga gol leeyahay inuu wax uun ku biiriyo wacyiga hooyada soomaaliyeed ee uur qaadaysa ee haddana aan helayn wasaarad iyo daryeel caafimaad oo marwalba u heellan taas oo aan filayo inay noqon karto inta bulshada wax akhrisa kuna taxan aaladaha casrigaa iyo adeegsigooda. Marka aqoonyahanka cilmiga caafimaadka gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka daryeelkooda ugaarka ah ka hadlayaan xilliga ay dhab ahaan tahay inuu bilawdo daryeelka uurku waxay isku raacsanyihiin inay tahay ka hor inta aysanba uur qaadin!.
Taas oo ku bilaabmaysaa la talinta gabadha qorshaynaysa inay uur qaaddo, xog badan inay ka hesho waxa uu yahay uurku iyo waxa ay ubaahnaan doonto iyo waliba qaadashada noocyo nafaqo ah (Vitamin) oo dhab ahaantii anfac uleh ilmaha ku beermaya ilma galeenka kahor inta uusan abuurmin sida cilmi baaristu caddaynayso, halkaas oo aan ka fahmi karno daryeelka hooyada uurka leh inuu yahay hawl qoto dheer una baahan ugu horrayn aqoon si hooyadu ugu qanacdo aadista xarumaha caafimaadka inta ay uurka leedahay si waafaqsan ugu yaraan xilliyada loo asteeyay. Kula soco haddaba aqoonta caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay qormooyinka danbe.
MAHADSANID.
QAYBTA 1AAD.
Fadlan lasoco qaybaha danbe, lana wadaag asxaabtaada.


Comments

  1. Hooyada uurkaleh waxa ladhahaa waxyabaha mukhadaradka uurjiifkay waxyelenkaran Lkin tasi maxakajiraa dad urlahoo isticmalajiraa midakale waxa weyan hooyadu inay badsataa biyaha maxayelay ilma kunooljirkedaa dhaqtarada qaarna biyabadan cabay dhahan qarna hacabinay dhahaan ilmaha kukora mideda kale waxeyan sharoboyin vitamina lacabikaraa hadaa jogata meladan qudaarta vitaminka lagahelin adoo jogaa badiya camal oolosoqoraa sharobadan maxa caqabadoo kukenikarta

    ReplyDelete
    Replies
    1. 1. Mukhaadaraadka walaal inbadan oo ka mid ah ilmaha wax bay yeelaan sida Alcohol (khamrida) , cocaine iyo sigaarkaba inta badanna waxay keenaan dhicis inuu noqdo ilmuhu oo soo dhaco ama uu samayskiisu iin yeesho.
      2. Hooyo walba oo uur leh waxay u baahantahay biyo iyo cabitaan badan si dhiig wareeg fiican ilmaha ugaaro (qormooyinka danbe ayaad ku arki doontaa faahfaahin la xiriirta).
      3. Hooyada baadiye joogta waxaa muhiim ah waxa ay heli karto inay si cilmiyaysan uga faa'iidaysato , caano la kariyay, cunto hilib wax kaga jiro iyo wixii ay qudaar ka heli karto isticmaasho wixii dawo ah waa in dhakhtar u qoro oo kaliya.

      Mahadsanid

      Delete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh ubaahantahay, Qaybta 2aad.

Ha dhibin dhibbane, haddii aadan u dhimrinayn!.