Wacyiga caafimaad ee hooyada uurka leh u baahantahay, Qaybta 1aad.
Hooyada uurka leh waxa uu jirkeedu wajahayaa xaalad cusub oo leh dhinacyo badan sida dheecaamada jirka, qaabka shaqo ee xubnaha jirka iyo muuqaalka jirkaba. Haddaba hooyo kasta oo uur leh ama uur qaadi rabtaa waxay ubaahantahay inay wax badan ka ogaato waxa ay tahay uur qaadisto iyo marxaladaha ay mari doonto si loo helo hooyo iyo uur jiif caafimaad qaba iyo dhalmo bad-qabta. Waa mid ka mid ah siyaasadda qaran walba in si joogta ah loo gaarsiiyo bulshada wacyi fiican oo ku saabsan xaaladdaan iyo daryeelkeedaba taas oo loo yaqaan 'antenatal care (ANC). Taxanahaan waxaan uga gol leeyahay inuu wax uun ku biiriyo wacyiga hooyada soomaaliyeed ee uur qaadaysa ee haddana aan helayn wasaarad iyo daryeel caafimaad oo marwalba u heellan taas oo aan filayo inay noqon karto inta bulshada wax akhrisa kuna taxan aaladaha casrigaa iyo adeegsigooda. Marka aqoonyahanka cilmiga caafimaadka gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka daryeelkooda ugaarka ah ka hadlayaan xilliga ay dhab ahaan tahay inuu ...